ustaadfowzaan.com

Noqo qof wanaagsan oo nolashiisa hagaagsan.

Si aad u noqoto qof wanaagsan oo nolasha aduunka ay u hagaagsan tahay oo aan ciriiri iyo qahar midna aan ku nooleyn , waxaa lagaaga baahan yahay inaad ilaaliso qodobadaan soo socda:

  1. Iimaanka iyo camalka wanaagsan waa sirta nolashaada wanaagsan , ee ku dadaal labaasi.
  2. Raadi cilmiga iyo aqoonta , kuna dalaal in badan inaad akhriso siirada dadkii wanaagsanaa sida saxaabada iyo salafka.
  3. Mar walbo towbada cusbeneysii kana tag macaasida iyo fisqiga , waayo waxay burburinayaan nolashaada wanaagsan.
  4. Waxaad laasimtaa akhrinta qur’aanka kariimka adigoo micnihiisan iyo fahamkiisa qalbiga la raacraacaayo , sidoo kale badi xuska Allaah.
  5. Dadka usamey wanaaga noocyadiisa kala duwan , arintaas qalbiga ayaa ciriiriga uga baxa.
  6. Qalbigaaga ka nadiifi cuqdad iyo xaasidnimada iwm.
  7. Iska yarey hadalka maalayacniga ah iyo qosolka badan , waayo arintaas qalbiga ayey madobeysaa.
  8. Iska yarey xanaaqa badan oo samirka badso , waayo nolasha waa wax gaaban.
  9. Ku qanac waxa uu Alle ku siiyey , haduu ahaan lahaa caafimaadka , maalka , caruurta iyo ehelka iwm.
  10. Ku dadaal oo joogtey jimicsiga kana war qab caafimaadkaaga , jirka fiyow ayuu caqliga fiyow ku jiraa.

Mahadsanidiin

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top