Hababka loola dhaqmo ardayga xanaaqa badan waa sida soo socota :-
1.DULQAAD MUUJI
- haka falcelinin xanaaqiisa adigoo xanaaqaya , is deji , kana shaqeey inaad muujiso xasilooni.
- iska jir inaad la dooddo ama isku daydo inaad ku qasabto inuu degdeg amarka ku qaato.
2. FAHAN SAWABTA XANAAQA :-
- weydii su’aalo si degen si aad u ogaato waxa ku kalifayo xanaaqa , mararka qaarkood waxaa laga yaabaa ardayga inuu dareemaayo cadaadis, wareer ama caajis.
- dhageyso isaga adigoon xukumin ama dhayalsanayn waxa uu sheegaayo.
3. SI DEGEN ULA HADAL :-
- Kula hadal cod degen oo xushmad leh , si aad u muujiso inaad daneyneyso daryeelkiisa.
- Ka fogow inaad is ticmaasho ereyo dhaliil ah ama carqaladeyn kara xaaladiisa.
4 . BAR FARSAMOOYINKA XAKAMEYNTA XANAAQA:-
- Ku dhiiri geli inuu isku dayo farsamooyin sida neefsasho qoto dheer , tixgelin fikirka wanaagsan , ama nasasho marka uu xanaaq dareemo.
- Bar sida uu ugu tilmaami karo dareenkiisa qaab wanaagsan , halkii uu xanaaqa ku muujin lahaa ficil .
5. SII TAAGEERO:-
- Umuuji inaad garab taagan tahay , si uusan u dareemin kalinimo .
- haddii uu u baahan yahay caawimo gaar ah , tusaale ahaan la-talin ama taageero bulsho , ka caawi inuu helo.
6. KA HORTAG XAALADAHA XANAAQA :-
- Haddii aad ogtahay waxyaabaha gaarka ah oo xanaaqiisa kicinaya , isku day inaad ka hortagto ama yareyso sameyntooda .
- U abuur jawi waxbarasho oo daggan oo dhiirogelin leh .
7. DHIIRO GELINTA DHAQANKA WANAAGSAN : –
- Marka uu ardayga muujiyo daganaansho ama xakameyn xanaaq , ku amaanno si uu u dareemo in hab-dhaqankiisa wanaagsan la’ aqoonsanayo .
Ugu dambeyn haddii uu xanaaqa ardayga uu yahay mid aad xad-dhaaf u ah ama saameynaya asxaabtiisa , waxaa muhiim ah , in lala xiriiro waalidiinta ama la taliye waxbarasho si loo sameyo qorshe taageero oo buuxa .
Mahadsanidiin dhammaantiina.